updated 11:40 AM MDT, Mar 23, 2017
A+ A A-

Xidig Kubada cagta oo Jarmalka u qaaday Koobkii 1990 oo ku dambeeyay inuu suuliyada dhaqo

  • Published in Dhacdooyinka

Andreas Brehme  oo ahaa xidigyada ugu cadcad ee u ciyaari jiray wadanka Jarmalka oo hada qaaday koobkii caalamka ee 2014.

Andreas Brehme  ayaa waxa uu ku guuleystay inuu qaado koobka kubada cagta ee lagu qabtay wadanka Talyaaniga sanadkii 1990kii


waxana uu ahaa nin kii dhaliyay goolkii ay jarmalku ku hanteen koobka aduunka 1990, goolkaasi oo ay kaga badiyeen wadanka Argentina

Fiirso muuqaalka uu ku dhaliyay goolkii kali ahaa ee ay ku qaadeen koobka


Jariiyada wadanka Faransiiska ka soo baxda ee la yiraah Le Figaro. ayaa ku qortay in 24 sano kadib  ay nolol adag la soo daristay xidigii u qaaday jarmalka Koobka aduunka 1990,Andreas Brehme  ayaa hada waxa uu wax lacaga haystaa 250.000 euro oo kaliya balse saaxiibkiis Olivier Straube,  oo ay u wada dheeli jireen naadiga SpVgg Unterhaching ayaa waxa uu leeyahay shirkad ka shaqaysa dhaqmada suuliyaasha waxaanu shaqo siiyay Andreas Brehme  oo 54 jir hada ah noloshiisuna sii xumaanayso.

 

 

 
 

 
 

 

Google+