updated 7:50 PM MDT, May 24, 2017

Askari Gaadhi ku jiidhay deegaan ka tirsan degmada Dilla

  • Published in Wararka
DILLA-(dillapress.com) Wararka naga soo gaaray degmeda Dilla ayaa sheegaya in askari ilaalo u ahaa gaari raashiin u waday dadka araaruhu aafeeyeen, uu gaarigu jiidhay ka dib markii uu gaarigu raashinkii qayb kamida uu la noqon rabay.markaas oo dadkii gaariga ku gadoodeen oo ay shiideen gaariga oo ka baxsanaya ayaa waxa uu jiidhay marxuun Yaxye Cabdillaahi Xuseen Tukaale. Marxuun ka ayaa Borama la keenay isaga oo la soo raaciyay markhaatiyaal arkaayay kadib markii uu wadihii baabuurku dafiray inuu isagu jiidhay. Maydka marxuunka ayaa waxa loo celiyay degmada Dilla oo lagu aasi doono

Dhacdooyinka

 
 

 

Google+