waa imisa indhood , bishimood

In kabadan boqol qof ayaa ku dhintay magaalada Lahore ee Pakistan kadib markii ay qaateen daawo sumaysan ee wadnaha.
Dhaqaatiirta ayaa sheegay in laba boqol iyo kontan kale oo qof ay wali isbitaalka ku jiraan.
Dhimashada ayaa lagu xiriirinayaa daawooyin laga bixiyay isbitaal ay dowladda leedahay.
Milkiilayaasha saddex farmashiyo ee daawooyinka lagu iibiyo ayaa la xiray oo su'aalo la waydiinayaa.
source BBC